Nidaamka ka fadhiisinta shaqada ee muddada cayiman ee Finland isbaddalo ayaa ku yimidday ay sabab u tahay ebidemiyada korona feyruska ee socda

Bilowgii bishii afraad Finland waxa la hirgaliyay sharciyo muddo cayyiman shaqaynaya oo khuseeya ka fadhiisiinta shaqada ee muddada cayyiman wakhtiyada shaqo bixiyaha loogu talo galay in uu ogaysiinta iyo wadatashiga ku sameeyo. Waxa kale oo ay khuseeyaan muddada tijaabada iyo waajibaadka shaqobixiyaha saaran ee ku saabsan soo cesashada shaqaalaha. Isbaddaladda sharciyadan ku yimidday waxa ay shaqaynayaan ilaa dhamaadka bisha juun.
17.04.2020 12:51
SAK

Sidoo kale shardiyada taakulaynta shaqo la’aanta waa la baddalay, waxa uuna isbaddalkaasi hirgalayaa 16.3. laga bilaabo waxayna shaqaynayaan ilaa dhamaadka bisha juun, bilowga bisha julay ama ilaa dhamaadka bisha julay.

Isbaddaladda sharciyadan ku yimidday waxa ay ku salaysanyihiin talobixinada ay siiyeen ururada shaqaaluhu dowladda. Ujeedada isbaddaladda sharciyadan ku yimidday waxa weeyaan in loo suurogaliyo shaqobixiyaha inay shaqadooda ku salayn karaan isbaddalada uu keenay ebidemiyada korona feyrusku ee khaas ahaan saameeyay suuqa alaabta iyo adeegyada oo hoos u dhacay.

Ka fadhiisinta shaqada ee muddada cayimman waa la dardargalinayaa, waxana idbaddalada lagaga heshiinayaa heshiisyada shardiyada shaqada

Isbaddalada sharciga ee muddada cayiman waxa ay soo gaabinayaan wakhtiyada loogu talo galay in shaqaalaha lagu ogaysiiyo ka fadhiisinta shaqada iyo wakhtiyada loogu talo galay wada tashiga oo laga dhigay shan maalmood. Shaqo bixiyaha waxa wakhtigaas u bannaan in uu shaqada ka fadhiisin karo shaqaalaha inta anan la galin wada tashiga haddii adeegga ama alaabta ay shirkaddu iibinaysay suuqaadu uu aad hoos ugu dhacay yada oo ay sabab u tahay ebidemiyada korona feyrusku.

Sidoo kale heshiisyada shaqada ee muddada cayiman dadka ku shaqaynaya waa laga fadhiisin karaa shaqada muddada uu isbaddalka sharcigan jiro. Haddii uu jiro shaqaale muddo cayyiman shaqaynaya wuxuu xaq u yeelanayaa taakulaynta shaqo la’aanta xataa haddii uu heshiiskiisu muddo cayyiman uun ahaa.

Maaddaama ka fadhiisinta shaqada ogaysiinteeda iyo wadatashigeeda lagaga heshiiyo shardiyada heshiisyada shaqada, isbaddaladan cusub ma hirgalayaan ilaa ururada kala duwan ee shaqaaluhu ay qoraan isbaddalada soo kordhay. Sidoo kale way u bannaantahay dalladaha ururada shaqaaluhu inay ka heshiiyaan wakhtiyo ka duwan shanta maalin ee loo qoondeeyay ogaysiinta iyo wadatashiga.

Ururda dalladaha ah ee SAK qaar badan oo kamid ah waabay ka wada tashadeen isbaddalada shardiyada heshiisyada shaqada.

Burinta muddada tijaabada kama raacayo qofka ganaax (karenssi) ama maalmo isagu uu ka mas’uul yahay

Ilaa dhamaadka bisha lixaad waxa bannaan in shaqaalaha heshiiskiisa shaqada la burin karo haddii hoos u dhaca suuqu uu kalifo. Awal waxa heshiiska la burin karayay oo kaliyaata markay jirto sabab shaqaalaha ku saabsan. Burinta heshiisku kuma keenayso shaqaalaha wax ganaax ah (karenssi) ama laguma amrayo maalmo isagu uu ka mas’uul noqonayo oo anan lagu siinaynin taakulaynta shaqo la’aanta. Muddada tijaabado waxa ay ugu badnaan noqon kartaa 6 bilood.

Taas waxa dheer in waajibaadka soo cesashada shqaalaha ee saaran shaqobixiyaha la dheeraynayo. Awal waxa uu ahaa 4 ama 6 bilood waxana laga dhigayaa 9 bilood. Mudadaas waa muddada ay tahay shaqobixyihu in uu siiyo shaqaalaha uu shaqada ka eryay ee wali shaqodoon ah shaqo tii uu qabanayay u dhiganta ama tii uu hore u samaynayay.

Isbaddaladan xataa waxa la suuro galinayaa kadib marka ay ururada iyo dalladasha shqaaluhu ka heshiiyaan.

Taakulaynta shaqo la’aanta oo laga fiicnaynayo sidii hore

Taakulaynta shaqo la’aanta waxa lagu sameeyay isbaddalo muddo cayiman ah oo loogu talo galay in ka caawiyaan helidda qutul duruurida qofka ay bilaa shaqo ku dhacday. Isbaddaladaasi waxa ay hirgaleen 16.3. laga bilaabo waxayna dhamaanayaan 6.7.

Taakulaynta shaqo la’aanta 5 maalmood ee qofku uu isagu mas’uulka ka ahaa waa laga saarayaa. Taas macneheedu waxa weeyaan in lacagta shaqo la’aanta la bilaabayo in la bixiyo maalinta u horaysa ee shaqo la’aanta ama ka fadhiisinta shaqadu ku bilaabatay qofka.

Lacagta taakulaynta ah ee ku salaysan mishaarkii hore ee qofka iyo lacagta shaqo la’aanta ah ee maalinlaha ah shardigooda waa la soo gaabinayaa waxana laga dhigayaa 13 isbuuc oo ah 3 bilood halka ay ka ahaan jirtay 26 isbuuc. Ganacsadaha qoyskiisa qoka ka tirsan shardigiisa shaqada waxa laga dhigayaa 6 bilood halkay sanad ka ahayd.

Shardiga shaqadu way buuxsamaysaa haddii uu qofku shaqaynayay ugu yaraan 13 isbuuc oo kamid ah 28 bilood ee u dambeeyay shaqadisuna ay ahayd ugu yaraan 18 saacadood mishaarkiisuna uu ahaa ugu yaraan 1236 euro bishii. In uu qofku helo taakulaynta mishaarkiisii hore ku salaysan waxa kale oo shardi u ah in uu ka tirsanaa muddadaas uu shaqaynayay hal urur oo ah ururada shaqaalaha markay shaqo la’aan ku dhacdo u adeega.

Muddada 16.3.–30.6. u dhaxaysa shaqaalaha shaqada laga fadhiisiyo taakulaynta shaqo la’aanta ah ee maalinlaha ah ama ta mishaarkiisii hore ku salaysan ee uu helayaa saamayn kuma laha maalmaha u badan ee 300-500 ee maalmood u dhaxeeya ee loogu talo galay qofka in lacagta shaqo la’aanta uu qaato haddii ay shaqo la’aan ku timaado isaga oo muddo shaqaynayay. Waxa uu arinkan saamayn ku leeyahay oo kaliyaata dadka shaqada si buuxda looga fadhiisiyo iyo dadka wakhtiga shaqada laga soo gaabiyo. Dadka kale ee shaqa la’aantu ay ku dhacdo sidii caadiga ahayd ayay isku gurayaan maalmoohada loogu talo galay inay taakulaynta shaqo la’aanta qaataan haddii ay shaqo la’aan ku timaado.

Taas waxa kale oo dheer oo lagu heshiiyay in qofka shaqada laga fadhiisiyay ay u bannaantahay in uu qaado taakulaynta shaqo la’aanta muddada u shaqaynayo sharciga cusub ee joogsanaya 31.7. xataa haddii uu ku jiro ardaynimo ama uu ganacsi leeyahay. Qofka shaqada laga fadhiisiyay waxa waajib ku ah in uu shaqo qaabilo muddada uu shaqo la’aanta ku jiro haddii ay u soo baxdo.

Ganacsatada iyo freelance-ka dadka ku shaqaysta fursadahooda ay ku heli karaan lacagta shaqo la’aanta sidii hore waa looga fududeeyay ilaa 30.6. Haddii shaqadu ay ka joogsato ama lacagtii soo gali jirtay ay yaraato yada oo ay sabab u tahay ebidemiyada korona feyrus waxa u bannaan in ay ka dalban karaan Kela-da lacagta shaqo la’aanta yada oo anan lagu khasbayn inay ganacsigooda joojiyaan.

Shaqo dalbade inaad tahay isku diwaangali maalinta u horaysa ee ay shaqo la’aan kugu dhacdo ama shaqada lagaa fadhiisiyo

Haddii ay kugu dhacdo shaqo la’aan ama shaqada lagaa fadhiisiyo xasuusnow in aad iska diwaangaliso xafiiska shaqada islam arka ad ogaato inay shaqo la’aan kugu dhacayso ama ugu dambayn maalinta u horaysa ee shaqadu ay kaa joogsato.

Finland iyo waddamada kale ee Eu-da ama Eta la isku yidhaahdo muwaadiniintooda waxa u bannaan inay shaqo la’aantooda ka diwaangalin karaan nidaamka internetka ee xafiisyada shaqo la’aanta (TE-toimistojen Oma asiointi -palvelussa). Muwaadiniinta waddamada kale waxay iska diwaangalin karaan yaga oo la soo xidhiidhaya xafiiskooda shaqo la’aanta una maraya qaabka loogu hagay macaamiisha ee waafaqsan wakhtigan koronada ee laga arki karo bogga. Hadda kahor dadka macaamiil ka ahaa xafiisyada shaqo la’aanta waxay isku diwaangalin karaan yaga oo soo wacaya adeegga tilifoonka ee xafiiska shaqo la’aanta.

Macluumaad dheeri ah oo ku saabsan saamaynta uu ku leeyahay ebidemiyada korona feyrusku shaqada

SAK macluumaadka ay qortay ee ku saabsan korona feyrusku saamaynta uu shaqada ku leeyahay:
ku qoran af finish
ku qoran af swidhish
ku qoran af ingiriis